Dil ka dhacay degmada Cabudwaaq & banaabax ka dhashay

Nin hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Gudaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud uu ku dilay Nin Oday ah oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaas, iyada oo dilka kadib uu Goobta ka baxsaday.

Ninla dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Odawaa ayaa kamid ahaa Dadka Muruq-maalka ahaa ee Guryaha Dhisa ayaa la sheegay inay dilkiisa uu dambeeyay Nin ku hubeysnaa Qoray AK47 ah, kaas oo ugu tegay Hooygiisa oo ku yaal Xaafada Ubax ee degmada Cabudwaaq.

Xaaska Ninka Odayga ah ee la dilay oo lagu Magacaabo Maryan Axmed ayaa sheegtay in seeygeeda horteeda lagu dilay, isla markaana Gurigooda loogu soo galay, iyadana jirdil loo geystay.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Ninka dilay Seeygeeda uu tartiib ah uu uga baxay guriga markii uu dilka geystay, isla markaana ilaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sababta loo soo weeraray ee loo dilay Seeygeeda oo ay u heyso 8 Carruur ah.

Intaasi kadib qaar kamid ah bulshada ku nool degmada Cabudwaaq ayaa waxaa ay dhigeen dibadbax ay ku dalbanayeen in Cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka seeygeeda, waxaana laamaha amniga ay ku raad joogaan qofkii ka dambeeyay dilkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com