Soomaali ku dhibaateysan xadka Bosnia iyo Croatia.

Waxaa laga deeyrinayaa xaalada ay ku nool yihiin Muhaajiriin ku jirta xerada qaxootiga Lipa ee dhacda xadka Dalalka Bosnia iyo Croatia oo kamid ah dalalka Qaarada Yurub.

Dadka halkaasi ku dhibaateysan oo tiradooda gaareyso ilaa 3,000 oo qof ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay qaar kamid ah dalalka Afrika.

Qaxootigaan ayaa waxaa dab uu qabsaday Xeradii ay ku noolaayeen, taas oo keentay in xaalad nolol xumo ay soo wajahdo, isla markaana ay waayaan meel ay seexdaan.

Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay deg deg wax ugu qabtaan xaalada daran ee heysato dadkaasi xilli uu jiro qabow aad