Waa sidee Caawa xaaladda Magaalada Muqdisho kadib Af-gembigii maanta dhicisoobay?

Muqdisho waxaa Maanta siweyn looga dareemay dhaq dhaqaaqgo Ciidan oo iska soo horjeeda, kaas oo salka ku haaya khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii la sheegay in Farmaajo uu Ciidan dul-dhigay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Baraha Koontorool ee laga soo galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka Beebaha, kuwaas oo ka amar qaata Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

In kastoo xaaladda Magaalada Muqdisho ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa meelaha qaar ee Magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamo taabacsan Ra’iisul Wasaare Rooble.

Gaashaanle Geylac oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Bad-bado Qaran ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay agagaarka Isgoyska Sayidka wuxuu sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay Farmaajo uga saar Villada.

Dad baday ayaa qabo in inta uu Madaxtooyada si sharci daro ah uu ku joogo Farmaajo ay soomaaliya kasoo naasa cadeen doorasho iyo amni lagu naaloodo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com