RW Rooble oo kulan la qaatay Xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta

Waxaa Caawa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubno kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ee la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdikariin Guuleed oo ay wehlinayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta & Wasiirka Dekadaha Galmudug Saabir Nuur Shuuriye.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xubnaha Midowga Musharrixiinta ee la kulmay Rooble ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ugu mahad celiyeen sida geesinnimada leh ee uu uga hortegey afgambiga.

” Inqilaabkan oo kale wuxuu dalka ka dhacay 1969 kii, oo lagu afgambiyey hay’adihii rayadka ee dastuuriga ahaa ee dalka. Waxaan u caddeynay in shacabka Soomaaliyeed iyo kan caasimadduba ay garab taaganyihiin.

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ee Caawa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay yihiin kuwo si aad ah ugu dhow, isla markaana dhowr jeer ka dalbaday in uu uusan ku Shaqeyn Amarada Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com