Khilaaf hor leh oo soo kala dhexgalay Farmaajo & Rooble

Khilaaf balaaran ayaa haatan ka soo dhex galay labada xafiis ee dalka ugu sarreeya ee raisul wasaaraha xukuumada xil gaarsiinta Mohamed Hussein Roble iyo mdaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee  Farmaajo sida ay siyaasiyiin u xaqiijiyeen Warbaahinta Aragticusub .

khilaafkani ayaa ka dhashay, sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu toddobaadkii hore kaga falceliyay khilaaf hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, oo bishii November uu ku soo baxay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Guddiga Xalinta ayaa 15-kii bishan warsaxaafadeed ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaasi ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada, taasoo aanay dadku ku qancin.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saluug ka muujiyay qaabka ay guddiga u maareeyeen tabashada laga keenay kursigaasi ayaa 3 cisho ka dib go’aanka guddiga waxa uu xilka ka qaaday toddobo ka mida xubnaha guddigaasi, iyadoona xil ka qaadistooda lagu sababeeyay inay lumiyeen madaxbannaanidii guddinimo, ayna ku milmeen siyaasadda. Rooble ayaana bayaan ku soo magacaabay xubnihii bedeli lahaa xubnahaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia aanay jecleysan, sida saddex maalmood ka hor loola dhaqmay xubnihii xilka laga qaaday, oo ciidamo ka amar-qaata Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ay xoog kaga saareen Xarunta Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Tani waxay ka dambeysay markii xubnahaasi ay ka horyimaadeen xil ka qaadistaasi.

khilaafkaasi ayaa Isniintii sababi gaartay in laba garab u kala jabaan Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, garab taabacsan Madaxtooyada iyo garab kaloo la safan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo duhurnimadii shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu xalay la kulmay Guddiga Doorashooyinka.

Rooble ayaa shalay galab Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeray shir 27-ka bishan ka furmaya Magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayo dardargelinta geeddi-socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Rooble oo habeenkii Axadda ka hadlayay munaasabadda saddex sano guurada ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sheegay inaanay doorashadu u socon, sidii la rabay, isaga oo ku taliyay in la dardargeliyo.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Qaranka ay si toos ahi ugu lug leedahay doorashada, taasoo malaha caqabad ku noqon karta hufnaanta doorashada.

Soo ifbaxa khilaafka Madaxda Qaranka ayaa imaanaya, toddobaad ka dib markii Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ay iclaamiyeen shirweyne wadatashi, markii goluhu uu tabasho xoog lihi ka muujiyay qaabka loo maamulayo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Doorashadan ayaa lagu macneeyay tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, iyadoona dadku ka baqdin qabaan inay soo geba-gabeyso kow iyo labaatanka sano ee dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya, dalkana ay dib ugu celiso waqtigii adkaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com