Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Boosaaso

Waxaa degan xaaladda Magaalada Boosaaso, ka dib dagaal culus oo gelinkii hore ee maanta ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF.

Dagaalka ayaa istaagay barqanimadii maanta, iyadoona ay weli labada dhinac kala jooggaan goobihii ay shalay iyo saakay ku dagaalameen, oo cid horumar muuqdo ka sameysay aanay jirin.

Isimada Puntland oo u istaagay, sidii xabadda loo joojin lahaa ayaa ku guuleystay inay labada dhinac ka dhaadhiciyaan in xabadda la joojiyo.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ka dhaqangasha Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Puntland ay mar kasta nabadda dooneyso, ayna tahay in dastuurka lagu dhaqmo, waxa uu intaa ku daray inaanay Puntland aqbali doonin in dastuurka la baal maro.

Wasiir Gallan ayaa tilmaamay in Taliskii hore ee PSF uu qaadi doono masuuliyadda dhibaatada ka dhalatay dagaalkaasi.

Qoraal ka soo baxay dhinaca Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid maamulka, isla-markaana ay ka xun yihiin dhibaatada gaartay shacabka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay ka masuul tahay khasaaraha uu gaystay dagaalka labada maalmood ka socday magaalada.

Dagaalkii maanta ayaa waxaa ku dhintay afar qof, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacantay, halka dadkii ugu badnaana ay maanta isaga barakaceen guryahooda.

Mashquul xoog leh ayaa laga dareemaya goobaha caafimaadka ee magaalada, iyadoo dhakhaatiirtuna ay shaqeynayaan saacado xiriir ah, ayna la tacaalayaan dhaawacyada faraha badan ee tan iyo shalay la gaarsiinaayay.

Qoysaska ka barakacay magaalada ayaa gaaray deegaanada ku dhow dhow, qaarkood ayaana magaalada uga baxay iyagoo lugeynaya.

Gaari ay la socdeeen qoysas ka barakacay magaalada ayaa ku rogmaday duleedka magaaladaasi, waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah.

Gudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Puntland, Faysal Axmed Warsame ayaa ku baaqay in dhibaatada lagu joojiyo halkeeda, ka dibna la guda galo xal waara oo dhiiladaasi lagu soo geba-gabeynayo.

Dhinacyadu waxay u muuqdaan kuwo xabad joojintaasi aqbalay, xilli dagaalku uu waxyeelo badan gaystay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com