Duqa Muqdisho oo la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay, sidii loo dardargelin lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dalka ka socota.

Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in wixii fududeyn ah ee doorashada ka dhaceysa Gobolka Banaadir uu kala shaqayn doono Guddiga Doorashooyinka.

“Kulankan ayaa looga hadlay, sidii loo dardargelin lahaa guud ahaan Doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda, iyadoona Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho u ballanqaaday Guddiga Doorashada in ay kala shaqayn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso Gobolka Banaadir.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood ayaa waxaa illaa iyo hadda la doortay 28 xubnood oo keliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com