Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qayb galay Munaasabad looga hadlayay Is dhexgalka Bulshada

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ka qeyb galay barnaamijka kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada oo lagu qabtay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir,xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ururka haweenka gobolka iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qaybgalay Munaasabad looga hadlayay Isdhex galka Bulshada
Munaasabadaasi ayaa sidoo kale Waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Maxamed Cabdulle oo ka hadlay Munaasabada ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday in wax laga qabto baahiyaha ay soo bandhigeen bulshada degmada Shibis.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed Jakeetti ayaa sheegtay in waxbarashada wax badan ay ka beddeleen haddana ay xooji doonaan dadaalkooda ku aaddan goobaha loogu adeego bulshada oo MCH-yadu ay kamid-ka yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka jawaabayay su’aalihii ay waydiiyeen bulshada Shibis oo ay ka mid ahaayeen tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la waayo mustaqbalka qof ku nool caasimadda oo aan wax qorin waxna akhrin.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com