Shabaabka Ku sugan Buurta Calmadow ee Puntland oo Hub badan helay

Wararka ka imaanaya nawaaxiga Degaanka Durdur, oo ka tirsan Xeebta degmada Laasqoray, ayaa sheegaya in -shabaabka ku sugan buuraleyda Calmadow ay halkaas kala degtay Hub tro badan oo nuuca fudud ah.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaas oo laga keenay dalka Yemen, la soo saaray doon Nuuca kaluumeysiga ah taas oo ka timid dhinaca waddanka Yemen,

shabaabka ku sugan buurta Calmadow , ayaa badanaa hubka ku keensada doonyo loo ekaysiiyay kuwa kalluunka, oo ka yimaada waddanka Yemen, waxase jirtay in marar kala duwan Puntland qabatay doonyahaas

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com