Deg Deg : Dagaal markale dib uga bilowday Magaalada Boosaaso

Dagaal ayaa dib uga qarxay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamo taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dhawaqa rasaasta iyo hubka culus oo ka dhacaya laba dhinac ayaa laga maqlayaa guud ahaan xaafadaha magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay labada dhinac ku dhawaaqeen xabad joojin, ayna socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.

Dhinaca kale

Mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabatay Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaalitya ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda, islamarkaana wax kasta lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham.

Mas’uuliyiintaasi waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, madaxeynayaashii  hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, iyo Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas waxaana dhamaamtood ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com