Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Haddii ay ku kalsoon yihiin ammaanka garoonka, ayagana ciidanka ha iska dhigaan

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay qorshaha xilligan ay Dowladda Federaalka ku joojisay hubkii lala geli jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa tallaabadaasi ku sheegay mid lagu xoojinayo culeyskii markii horeba, ay Dowladda Federaalka ku haysay Golaha Midowga Musharaxiinta.

“Waxaan u aragnaa inay tahay arrin wixii maalmahaan magaalada ka socday daba socda, oo ah in dadka siyaasiyiinta ama musharaxiinta xilka madaxtinimada u taagan lagu beegsanayo.

Waad la socotaa maalin dhexdaas dowladdu ciidan bay xaafadaheena iyo xarumaheena kordhigtay, dhadhaqaaqa magaalada wuu adag yahay, kulamada siyaasadda lama qaban karo, tani-na waxay qayb ka tahay aan aaminsanahay in dhaqdhaqaaqeenii safarada iyo garoonka la xadido.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay VOA ayaa yiri “Haddii dadka nabadgelyada noo qaabilsan inaga ee nala socda laga celiyo Garoonka Diyaaradaha, dadkii tartanka naga dhaxeeyayna Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid yahay iyo dadka kaloo la halmaalana ay ayaga u fasaxan yihiin, taas dee waxay u muuqataa inay tahay cadaalad darro iyo sinnaan la’aan.”

Waxa kaloo uu yiri “Haddii leesku halayn karo ammaanka Garoonka Diyaaradaha ayagana waa inay isku haleeyaan, sideedaba dadka masuuliyiinta ah ee xilka haya ayagaa la rabaa inay bilaabaan in nabadgelyada leesku halayn karo iyo in kale, cidda lagu daysanaayo waa ayaga.

Haddii ayagu isku halayn karin nabadgelyada Garoonka Diyaaradaha oo la leeyahay intaasoo masuuliyiin ciidankooda hala galaan, inta kalana lama geli karaan, maxay tahay sababta Madaxda Dowladda aysan isugu halayn karin ammaanka garoonka, oo anaga naloogu khasbayaa inaan isugu halayno?”

Hadalka siyaasiga Abdirahman Abdi shakur ayaa kusoo aadayo xili dowlada ay go’aan kasoo saartay cidaamada mas’uuliyiinta ay garoonka lagalaan , waxaana loofasaxay ra”iisulwasaraha iyo m/weeyna oo qur ah.