25.6 C
Mogadishu
Friday, July 26, 2024
Home Wararka Afrika Xaflad lagu Taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu qabtay Oslo.

Xaflad lagu Taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu qabtay Oslo.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qeyb galeen Aqoon-yahano, culumaa’udiin, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Haween isla markaana ujeedkiisu ahaa taageero loo samaynayay Ra’iisul Wasaarha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Furitaanka Xaflada waxaa ka hadlay mudane Sadaad Dakhare  oo ahaa xariiriyaha iskudibaridka xaflada waxaana lagu bilaabay Ayadaha Quráanka karimka qoolki eebe.

Sidookale  Abdulqaadir Ali Abdi oo ku hadlayay madaxa qaban qaabada kulanka aaaa kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga soo queeb galeen martisharaftii soo xaadirtay gootba.

Xildhibaan Baashe Mohamed Muse oo mar  soo ahaa xildhibaanada golaha deegaanka Norway ayaa ka warbixiyay taariikhda Raíisul wasaare Rooble waxa uuna intaasi ku daray in uu kagadhawyay Soomaalida lagasoo doorto dalka Mareeynkanka .

Suldaan Bashiir iyo Sheekh Abdulaahi Ciise ayaa dhankooda hadalo guubaabo ah u jeediyay Raíisul wasaare Rooble oo iminka magacaaban muda kudhaw bil.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa intooda badan duco iyo bogaadin ujeediyay Raíisul wasaare Rooble waxeeynah ka codsadeen in uu wax ka qabto  dhibaatooyinka loogeedso dumarka ee ay koow ka yihiin kufsiga oo maal-mihii u danbeeyay caado ka naqday Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa goobta heeso ka hadlayay wadaniyada   kusoo bandhigay fanaaniinta Norway, iyadoo ay si aad ah uladhaceen dadweynihii  sooxaadiray goobta.

Xafiiska Wararka Oslo

Info@aragticusub.com