Sanitor Muuse Suudi Yalaxoow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada Imaamka Guud ee Abgaal Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar

Sanitor  Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee BaarlamaankaSoomaaliya , ayaa Khudbad  uu ka  jeediyey Munaasabad lagu duubayay imaamka Guud ee Abgaal Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar  ayaa kula dardaarmay arimo  Arimo la xiriira Hogaaminta ,Waxaana uu yiri .

 “Mudulood Baarlamaam la gama Rabo,  Madaxwayne Raba ma Joogo, Raysal wasaare Raba masoo marin,  Hadana inay is xoreeyaan Mooyee, Qof wax u Qabanaya oo ma jiro, waxaa la rabaa inay Dhulka ka kacaan “  Ayuu yiri Yalaxow.

Muuse Suudi  Wuxuu dardaaran Adag u jeediyey Imaamka Cusubee la duubay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ,  wuxuuna u sheegay inaan laga aqbali doonin inuu baal maro howsha loo doortay, sidoo kalana aan laga yeeli doonin inuu dantiisa gaarka ah ka shaqeeyo.

Dhinaca kale Muuse Suudi ayaa  Beeshiisa kula dardaarmay inay Nacaan, dadka Neceb ee maamulada sida uu hadalka u dhigay.

“Maamul Goboleedyadda dalka iyo dadkeeda kuwii idin Neceb,  sida ay idiin naceen idinkuna u Naca, Qofkii Quudhsada, waa la Quudhsadaa,    Sidoo kale waxaa  la idin nacay  Ciidanka Booliska, Milatariga, Nabad sugida, Asluubta,  Waxaana la idinku nacay Baari nimada, Waxaana hada la marayaa in la idinka reebo Tababarka”. Ayuu yiri  Sanitor Muuse Suudi.

Dhinaca kale , Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ka qayb galay munaasabada isaga oo hadalo dardaaran ah u jeediyay Imaamka Cusub ee Abgaal Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar  uguna baaqay in uu ka sheeqo imaamka midnimada Beesha Abgaal

Ugu Dambeyntii  Waxaa halkasi lagu duubay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar Una duceeyay Dadkii ka qayb galay Munaasabada ee Beelaha Abgaal

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com