Marxuum Cali Khaliif Galeydh oo maanta Aas qaran loo sameeynaayo

Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif, ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde oo saacadaha soo socda ay ka soo degi doonto diyaaradda sida Meydka Marxuumka, waxaana halkaas lagula dukan doonaa salaada Janaasada.

Sidoo kale,Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Salaadda Janaasada iyo aaska Muqdisho loogu samaynayo Marxuumka.

Meydka marxuum Cali Khaliif Galaydh,  oo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa saaka oo Sabtiya lagu wadaa in la geeyo Muqdisho, halkaas oo aas Qaran loogu samayn doono, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa

Allaha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh, wuxuu Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxaana Mas’uuliyiinta Dowlad degaanka Soomaalida laga soo xigtay in uu u geeriyooday xanuunka COVID-I9

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com