Wasiirka maaliyada puntland oo beeniyay in Sicir barar uu ka jiro puntland

wasiirka wasaarada maaliyada puntland Xasan shire Abgaal ayaa beeniyay in Sicir barar uu ka jiro Degaanada puntland.

Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa beenniyay  in puntland uu ka jiro Sicir barar saameeyay suuqyada  iyo xaruumaha ganacsiga puntland.          Sidoo Kale, mr Xasan Shire Abgaal ayaaka hadlay wararka la xiriira in Sarifka lacagta dollarka uu Sare uga kacay degaanada maamulka puntland.

Wasiirka waxaa uu beeniyay in Puntland ay kordhisay Canshuuraha, islamarkaana sicir bararkaasi uu ka dhashay lacago laga keeno Koonfurta Soomaaliya sidda uu sheegay wasiirka.

Lacagta dollarka ayuu sheegay in degaanada Puntland qiimo aad u sareeya lagu sarifyo halka Koonfurta Soomaaliya lagu sarifaayo lacag hooseysa.

Shacabka maamulka Puntland ayaa cabasho ka muujiyay ka dib sicir barar xoog leh oo  ka taagan Suuqyada Puntland markii boqolkii doollar uu sarifkiisu gaaray lacag dhan afar Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com