Dawlada Kenya oo si Caro leh ugu soo hanjabtay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa diginiin iyo hanjabaad ah usoo dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyey wargeyska African Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in 2-dii October ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ay qoraalka ay u dirtay Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad Sii haayahaWasiirka Arimaha dibada  uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaanCiidanka Soomaaliya, haddii mar kale ay dhibaato  ka dhacdo xuduudda labada dal.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda bishii la soo dhaafay September, Xilligaas oo iska hor-imaad uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo u dhexeeyay  ciidamadaCiidamada Soomaaliya iyo Kenya

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale shacab Soomaaliyeed ka afduubtay gobolka Gedo, taasi oo dhalisay carro xooggan.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegay in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo uu arrintan marka hore kala hadlay xukuumadda Soomaaliya, hase yeeshee kadib ay wasiir Omamo ay si toos ah dhiggeeda ugu sheegtay in ciidanka Kenya aysan mar dambe celin doonin rasaastooda.

Digniintaan  ayaa sida wargeyska uu sheegay la diray kadib kulan ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka, oo uu guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com