Wariye Dulyar oo caawa lagu xiray Beledweyne, kadib markii uu wareystay General Xuud

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu xiray Wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka maamul goboleedha hirshabelle ay Wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar kala baxeen hotel ku yaala magaaladaasi, oo maalmo ka hor uu ku degay.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya goobta lagu hayo Wariyaha, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in uu ku xiran yahay Saldhigga Booliska ee Beledweyne, halka warar kalana ay sheegayan in uu ku xiran yahay Xarunta Nabad Suggida ee magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wariye Dulyar lagu haysto wareysi uu maanta duleedka Magaalada Beledweyne uga soo qaaday General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Militariga Somaliya, haatana ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle.

General Xuud ayaa hadda hoggaaminaya Jabhadda HLF (Hiran Liberation Front) oo daba-yaaqadii bishii hore ee November looga dhawaaqay deegaanka Ceelgaal ee duleedka Beledweyne, ka dib doorashadii madaxtinimada Hirshabelle ee 11-kii bishaasi ka dhacday Magaalada Jowhar.

General Xuud ayaa si weyn uga biyo diidan inuu aqoonsado Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyadoona uu horey uga horyimid in Madaxweynaha uu yimaado Beledweyne.

Wariye Xuseen Xasan Dhaqane oo VOA uga soo warama Beledweyne, maantana la socday Wariye Dulyar markii uu duleedka Beledweyne ugu tegaayay General Xuud ayaa sharci-darro ku tilmaamay xarigiisa.

“Xariga Wariye Dulyar waa sharci darro iyo caburin Saxaafadda madaxabannaan.” Ayuu yiri Xuseen Xasan Dhaqane oo qoraalkan ku daabacay bartiisa Facebook.

Dulyar ayaa caawa wareysiga horudhaciisa soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada wada xiriiriso ee Facebook.

Somaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu halista badan dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto cago-jugleen, xarig, jirdil iyo dilba.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com