Midowga Musharaxiinta oo ka horyimid go’aankii Guddiga Doorashooyinka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyay warkii maanta ka soo yeeray Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ee ay ku iclaamiyeen Jadwalka Doorashooyinka ee Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Guddiga Doorashooyinka waxay maanta sheegeen in diiwaangelinta Senatorada Golaha Aqalka Sare ay bilaaban doonto 26-ka bishan, ayna ku egtahay 29-ka bishan. Sidoo kale waxay sheegeen in 7-da bisha soo socoto ee January la guda geli doono diiwaangelinta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay tani u arkaan bilowga boobka Doorashada Heer Qaran, taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ku abuurayo sida ay sheegeen xasarad siyaasadeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay Madaxda Dowlad Goboleedyada inay ku kadsoomaan qabashada doorashooyin lagu kala qaybsanyahay.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ficilada guracan, ee uu gadaal ka riixayo sida ay sheegeen Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com