Cali Ciid oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa doortay Madaxweyne Ku xigeenka Maamulkaasi, kadib doorasho xasaasi aheyd oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Shanta musharrax ayaa wareeegii koowaad kala helay.

Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 cod

Cali Daahir Ciid 26 cod

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) 12 cod

Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 cod

Axmed Taajir Yuusuf Warsame oo isna helay 6 cod.

Sidoo kale waxaa wareega labaad u gudbay afarta musharrax ee ugu codadka badnaa wareega 1-aad, balse inta aysan bilaaban codeynta ayaa waxaa taanusalay musharraxiinta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi.

Sidaas daraadeed waxaa wareega labaad oo aad u adkaa ku tartamay, Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo min 26 dhibcood kala helay wareegii 1-aad.

Sida uu shaaciyey guddoomiye Gacal waxaa ugu dambeyn xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku guuleystay musharrax Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod.

Doorashada maanta kadhacday Dhuusamareeb ayaa dad badan u arkaan mid aan waxba ka soo baxeeyn maadaama ay jirin G/mudug loo dhanyahay.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com