Qoor qoor oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa waxaa loo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, kadib doorasho wax ka yar 30 daqiiqo qaadatay oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareen.

Xildhibaanada Galmudug ee soo xaadiray hoolka doorashada oo tiradooda ay gaareysay 77 Xildhibaan, ayaa Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod

2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod

3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod

4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxnimada Qoor qoor ayaa aheed mid intabadan dadweynihu sii ogaayeen waxaanse la ogeeyn qaabka ee u wada shaqeeyn doonaan Ahlu sunna iyo Xaaf oo labaduba shegtay in ay M/weeyne yihiin.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com