Xaaf oo doorashada maanta ka dhaceyso Dhuusamareeb ku tilmaamay tii Axmed Baasto oo kale.

Gaalkacyo : Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Xaaf, ayaa sheegay doorashadaasi inay la mid tahay tii Sanad ka hor ka dhacday Magaalada Cadaado ee lagu doortay Axmed Baasto, xilli la carqaladeynaayay Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu sheegay inaysan socon doonin doorashadaasi oo mid fowdo ah oo ku tilmaamay, isaga oo uga digay dowladda Somaliya waxyaabaha ay ka wado deeganada Galmudug.

“Dhuusamareeb doorashada ka dhaceysa waa doorashadii Cadaado ka dhacday oo kale ee Axmed Baasto lagu doortay, midka la dooranaya waa kii Baasto sameeyay oo Cadaado keenay, kan ku xigana waa kii qaabulay Maxamed Xaashi Carabey, Gacanla waa kii kale, anaga dowlad baa nahay, Madaxweynaha waa joogaa, Baarlamaanka waa joogaa, cid walba waa joogtaa, ma ahan dad ay soo qaadaan xamar ka soo daad-guureeyaan oo xafiisyadooda ka shaqeeyaan oo yiraahdaan xildhibaano tihiin, hadana ninkaan doortay”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Doorashada maanta ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb, ayaa la sii ogyahay shaqsiga ku soo baxaayo, waana musharax dowladda Somaliya ay wadato.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com