Guddiga lagu mursansan yahay ee doorashooyinka oo soo saaray jadwalka doorashada

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka lagu mursan yahay ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddigaa ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020 ay gaareen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,ay  maanta oo ay tariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaacinayaan taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka .

Diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare ayaa  bilaabanaysa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Guddiga doorashooyinka lagu mursan yahay ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay rajeynayaan in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna  ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda ayay guddiga ugu baqeen inay  qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

Tallaabadaan ay jadwalka doorashada Baarlamaanka labada Aqal kusoo saareen guddiga doorashooyinka lagu mursan yahay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an heshiis laga gaarin Guddiyada oo ay kasoo horjeesteen Midowga musharixiinta Madaxweynaha iyo inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com