Abshir Kaaraan oo wacad ku maray in ay gacanta ku soo dhigi donaan ragii soo weeraray degmada Kaaraan

 

Iyadoo maal-mihii udanbeeyay xaalada degmada Kaaraan ay aheed mid cakiran kadib markii cidamo isugu jiro Melatari iyo boolis dhoor jeer iskahor imaad uu kudhaexmaraay dad rajid ah ay ku dhinteen ayaa arinkaas waxaa walaac ka muujiyay dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool.

Gudoomiyada Degmada Kaaraan Abshir Mohamed Mohamud (Abshir Kaaraan) oo caawa fiidki lahadlay Idaacada Radio Kulmiya ayaa sheegay in ciidamo melatari ah ay degmada soo weerareen .

” waxaan shacabka soomaaliyed u xaqiijinayaa in rag layaqaano ay degmada soo weerareen kuwaas oo maal-mihii lasoodhaafay fowdo kawaday degmada lkn waxaan idiin sheegayaa in aan looga heridoonin ayuu jiri gudoomiyaha Degmada Abshir Kaaraan.

Inta laxaqiijiyay dagaalkii kadhacay Kaaraan waxaa lasheegay in ay ku dhinteen ilia 3-dax qof oo katirsan Ciidamadda Dowlada Soomaaliya gaar haan kawa Booliska .

Dad badan ayaa arintaa u aaneynayo siyaasada dalka oo aan xiligaan xasilneeyn maadaama dalka oo kujiro marxalad kalaguur ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com