Dhageyso: Korneel Rufle oo Wacad ku maray in ciqaab adag la marsiin doono Ciidanka Kenya

Korneel Aadan Xersi  Korneel Rufle oo ka Tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Xoogga Dalka ay u diyaarsan yihiin diifa Dalka Dadka iyo Diinta

Korneel Rufle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku  sugan dhammaan Xuduudaha Dalka ay halkaasi u joogaandifaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed  Waxaana uu intaasi ku daray  ciidanka ku sugan  Xadka Degmada Balad Xaawo ee Xadbeenaadka loo yaqaan ee Halkaasi la geeyay ay ka hortagyaan  Ciidanka Kenya ee dhibaateeya shacabka kusugan degmada Balad xaawo iyo degaanada kale ee gobolka Gedo

Ciidamada Kenya ayaa ayaa diyaarado ku weerari jira shacabka Soomaaliyeed eek u sugan gobolka Gedo balse Taasi hadda waxaa ka hortagaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed eek u sugan Xuduudaha Dalka ayuu yiri Korneel Rufle.