Madaxa Hawlgalka Amisom iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo kulan wadayeeshay

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka  Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madera.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen Xiriirka AMISOM iyo  Galmudug  iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka waxa lagu sheegay in Mudane Ciid uu mas’uuliyiinta AMISOM  kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa Dgaanadda Galmudug ee ay haystaan Al-shabaab islamarkaana Galmudug looga gacan-siin lahaa Amniga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com