Dawlada Maraykanka oo soo masaafurineysa Muwaadhin Soomaali ah oo lagu Eedeeyay in Alshabaab uu ka Tirsan yahay

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo ah “sarkaal ka tirsan ururka Alshabaab” oo iska dhigay qaxooti ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay dalka Mareykanka, kadib markii uu qirtay laba dambi oo ah inuu been ku dhaartay.

Maxamed oo loo yaqaan Mustaf Adan Caraale, islamrkaana ah 29 jir, ayaa laba sano xabsi ku jiray, waxaana lagu riday xukun u dhigma muddadii uu xabsiga ku qaatay, taasi oo macnaheedu yahay inaanu dib ugu laabaneyn xabsiga.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, Maxamed ayaa markii uu codsiga qaxooti dhiibanayey waxa uu Hay’adda Socdaalka iyo Muwaadannimada Mareykanka ee USCIS ka qariyey inuu leeyahay magac labaad, iyo inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maxamed ayaa qirtay inuu ogaa in haddii uu magaciisa saxda ah sheego loo diidi lahaa inuu galo Mareykanka.

Sida ku cad dacwadda lagu soo oogay, wuxuu sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka oo ku sugan magaalada Tucson ee gobolka Arizona u sheegay in lagu dhaawacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, bishii June ee 2010.

mas’uuliyiinta Dambi barista Maraykanka ayaa ogaaday in dhaawaca uu qabay uu ka dhashay markii ay ku qarxeen walxo qarxa oo gacmaha kula jiray, sanadii 2009.

Sababo la xiriira dambiga lagu helay, kiiska qaxootinimo ee Maxamed ayaa la laalay, waxaana lasoo saaray amar dhigaya in loo soo masaafuriyo Soomaaliya.

28-kii August 2020, Maxamed ayaa diyaarad laga soo saaray Arizona, loona soo celiyey Soomaaliya. Waxaa laga mamnuucay inuu mar kale kusoo laabto Mareykanka, isaga oo aan haysan sharciyadda ku haboon

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com