Dab xoog leh oo ka kacay Dekadda magaalada Beirut

Dab xoog leh ayaa ka kacay dekeda magaaada Beirut ee dalka Lubnaan, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo holac, walina ma cadda sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay.

Askarta ayaa bilowday in dadka ay ka saarto guryaha u dhow dabka, si looga badbaadiyo halista ka imaan karta hadii dabku faafo.

Dabka ayaa ka kacay Baqaar lagu iibiyo shidaalka iyo Taayarada oo u dhow halkii uu ka dhacay 4-August qaraxii kiimakada ee ay ku dhinteen 191-qof, ayna ku dhaawacmeen in ku dhow 6,000-qof.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com