Faah-Faahino:- Qarax Ka Dhacay Gobolka Gedo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay uu ka dhacay Gobolkaaas

Qaraxa oo ahaa nuuca Dhulka lagu aaso   ee loo yaqaan miinayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaayad ku taalla Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, qaraxa oo aha mid xooggan ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay degaanada iyo degmooyinka ka agdhow Degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay halka Seddex kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.

Maqaayadda Qaraxu ka dhacay aaya ahayd maqaayad aad u mashquul badnayd sida la sheegay, waxaana xiligaas ku sugnaa Maqaayadda  dad shacab ah  iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loola cararay Cusbitaalada ku  yaalla Magaalada, waxaana hadda lala tacaalayaa dhawaacyadii ka dhashay qaraxaas.

Qaraxa ka dib Ciidanka ammaanka ayaa sameeyay Howl gallo iyadoo isku socodjka guud ee Goobtii wax ka dhaceen uu istaagay.

Wali laamaha ammaanka kama hadlin qaraxa, lamana oga cidda ka danbeysay qaraxaas, balse qaraxyada Noocaan ah ayaa inta badan waxaa fuliya dagaalamayaasha Al-shabaab.