Dhageyso: Boqor Maxamed Jaamac Suldaan cumar oo sheegay in ay wax laga xumaado ay tahay Qoysaskii laga soo masaafuriyay Gobolka Sool

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan cumar oo ka mid ah duqeyda dhaqanka kasoo jeeda Soomaaliland ee kusugan Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo marxalada doorashooyinka.

Boqorka  ayaa sheegay ugu horeyn in wax laga xumaado tahay arimaha dadkii laga soo barakaciyey Soomaaliland in warkoodii la iska ilaaway oo ay waayeen hantidii laga soo reebay.

Sidoo kale Boqor Maxamed Jaamac oo sidoo kale ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sida ay wax usocdaan mid aan lagu qanci karin fariina udiray R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Boqorka ayaa doorashadii golaha shacabka ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada wuqooyi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah oo ubaahan in lagu laabto.

Halkaan ka Dhageyso shir jaraa’id oo uu qabtay Boqor Maxamed Jaamac