Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo difaacatay kursigeeda Golaha Shacabka

Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dib loogu doortay xubinimadeeda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku guuleysatay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP262, ka dib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd.

Foosiya Yuusuf ayaa noqonaysa Xildhibaanaddii 3aad ee maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa si habsami leh uga socota Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye (School Polizio).

Illaa afar kursi ayaa maanta lagu dooranayaa Magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Maamulka Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Guddiga Doorashada ayaa hadda guda gelaya doorashada kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP229.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com