Soomaliland oo dil Toogasho ah ku fulisay 7 Ruux oo ay ku Eedeysay in dil ay geysteen

Somaliland ayaa maanta dil toogasho ku fulisay lix nin oo ku xirnaa xabsiga Madheere, kuwaas oo horay maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen.

Magacyada lixda nin ee la toogtay waxay kala yihiin Yaasiin Maxamed Yuusuf, Sharma’arke Sahal Oogle, Quulle Maxamed Cilmi, Khaalid Cabdi Xaydar, Khadar Maxamed Warsame iyo Cabdikariin Maxamed Mahdi.

Raggaas la dilay ayaa ku eedaysnaa in ay hore u gaysteen dilal kala duwan, waxaaa maxkamadaha Somaliland dhammaan ku xukumeen dil toogasho ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com