Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya oo maanta la dhaariyay

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdirisaaq Maxamed Abuukar ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Danjire Axmed Ciise Cawad

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com