Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha hawlgalka AFRICOM oo kulan la qaatay Axmed Madoobe

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yomamoto iyo Taliyaha howlgalka AFRICOM Gen.Stephen J. Townsend.

Soo dhaweyn diirran ka dib ayaa waxaa ay kaga wada hadleen kulan ay yeesheen Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yomamoto xaalada guud ee deegaanada hoos yimaada maamulka Jubbaland gaar ahaan xaalada ka taagan Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dawlad goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend ayay kaga wada hadleen sidii loo soo afjari lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaasina looga sifeyn lahaa deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland, kaas oo ay wada fulin doonaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamad africa iyo mareeynkanka.

Xfiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com