Maayarkii Baladweyne oo Xilka laga qaaday

Marwo Safiya Xasan Sheekh Cali oo  ahayd duqa  magaalladda Beled-weyne muddo ka badan 1 sano ayaa waxaa laga qaaday Xilkii, sida lagu caddeeyey Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee DG Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle.

Nuqul ka mid ah Wareegtadaasi oo la soo gaarsiiyey WarqabadkaAragti Cusub ayaa waxaa lagu caddeeyey in Xilka laga qaaday Maayarka ama Duqii magaaladda Beled-weyne, Safiyo Xasan Sheekh Cali.

Wareegtada waxaa lagu sheegay in Maayarka Cusub ee magaalladda Beled-weyne loo soo magacaabay Marwo Nadaar Tabaax Maalin, waxaana la farayaa dhammaan Hay’addaha Ammaanka iyo Shacabka Reer B/Weyne inay la shaqeeyaan Duqa Cusub.

Dhanka kale, Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DG Hirshabelle waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday Duqii B/weyne, Safiyo Xasan Sheekh Cali tahay baahi loo qabo in la dardar geliyo Hawlaha Dowladda Hoose ee B/Weyne.

Sababta xil-ka looga qaaday Safiya Sheekh Cali ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha magaalada Beledweyne, waa sida hadalka loo dhigay.

Marwo Safiya Xasan Sheekh Cali waxay xilkaasi haysay tan iyo dabayaaqadii bishii May ee sanadkii hore 2019-kii, waxayna Xilka kala wareegtay Duqii hore ee Beled-weyne, Khadar Xasan Afrax.

Si kastaba ha ahaatee, Safiyo Xasan Sheekh Cali waxay noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Duq magaallo ka noqota magaallooyinka dalkeenna, waxaana Naadir ku ah Somalia in Haweeney loo magacaabo Xilka Duq magaallo, balse, waxaa jira Haween badan oo ku magacaaban ama soo qabtay Xilka Guddoomiyayaal Degmo.

Halka Hoose ka Akhriso Wareegtada Xil ka qaadista:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com