Degaanada Puntland oo Maanta laga xusayo 22 guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Puntland

Degaano ka Tirsan  Puntland ayaa manata laga xusayaa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay Aas’aaskii Maamulka Puntland oo ku beegan 1-dii Agoosto 1998-dii.

Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qabanayaa xuska munaasabaddaasi 1-da Agoosto waxaana dib loogu eegaya taariikhda Aas’aaskii Puntland iyo guulaha laga gaaray hirgelinteeda.

Magaalooyinka lagu qabanaayo Xuska 22 guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Puntland ayaa waxaa ka mid ah Gaalkacyo,Garwo Qardho iyo degaano kale oo ka Tirsan Puntland Amaanka ayaa la adkeeyay iyadoo loogu baaqay Dadweynaha Puntland in ay ka qayb qaataan sugida Nabadlyada inta Xafdalada Damaashaadka ay socoto

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com