Guddiga doorashooyinka  Puntland, oo dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland

Guddiga doorashooyinka  Puntland, ayaa dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland, oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray.

Wareega kowaad oo soo xirmay 15-kii Maarso 2020 waxaa ka soo gudbay 17 urur-siyaasadeed oo buuxiyay Shuruudaha as’aasiga ah, waxaana sidaasi loogu gudbay wareega labaad ee Diiwaan-gelinta.

Wareega labaad oo soo xirmay 22-kii June 2020, waxa ka soo gudbay 12 urur-siyaasadeed, halka wareegii saddexaad oo dhammaystirmay 22-kii July 2020 ay ka soo baxeen 10 urur siyaasadeed oo keliya.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa ugu dambayntii waxay si rasmiya u shaaciyeen 10-ka urur-siyaasadeed ee buuxiyay dhammaan shuruudaha.

10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan.

Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com