Shirkii Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021 oo War- Murtiyeed laga soo saaray.

Xubnaha Midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya 2020/2021 oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob.

Musharixiinta ayaa war-murtiyeedkoodan ku dilbaday in la kala diro gabi ahaan guddiyada dowladda Soomaaliya u saartay in ay ka shaqeeyaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee badalaya Baarlamanka hadda jira.

Musharixiinta ayaa sidoo kale dalbaday in guddiga doorashada xildhbaannada Gobollada Waqooyi loo madax-bannaaneeyo in uu soo magacaabo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo qodobo kale oo dhawr ah.
Hoos ka Akhri Warmurtiyeedka:

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com