Deni iyo Axmed Madoobe oo Aqbalay Dalabkii midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa Aqbalay codsigii ka yimid musharaxiinta madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho, ee ahaa inay wax ka bedelaan xubnaha guddiyada doorasho ee heer federal ay soo magacaabeen.

Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen 22-kii bishan uga codsaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira labada guddi, midka doorashada iyo midka xalinta khilaafaadka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Deni ay aqbaleen codsigaas, diyaarna u yihiin in shaqaalaha rayidka ay ka saaraan xubnaha ay soo magacaabeen.

Afarta xubnood ee midkiiba ay soo magacaabeen Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ku jira xubno xilal ka haya maamulladaas, sida agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Puntland iyo hanti-dhowrka guud ee Jubaland.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com