Madaxda Maamulada Hirshabeele Galmudug iyo Koofur Galbeed oo Maanta Shir uu Uga Furmayo Baydhaba

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhaba oo ay kulan wada-tashi ah kula yeelan doonaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Saddexda mas’uul ayaa ka hadli doona waxa ay ka yeeli doonaan casuumad uga timid Muqdisho oo ah inay kusoo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud ka dhigay in shirka Muqdisho ay kusoo biiraan Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, si heshiis buuxa oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha doorashada, taasi oo madaxtooyada Soomaaliya ay aqbashay.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii saddexda madaxweyne goboleed ee maqan ay u iman lahaayeen Muqdisho.

Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen waaa horyaalla inay Muqdisho yimaadaan oo ay aqbalaan in wax laga bedelo heshiiska Dhuusamareeb3, iyo inay diidaan oo ay noqdaan caqabad cusub oo hortaagan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Madaxwayneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday inay ka qayb galaan shirkii Dhuusamareeb3.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com