Madaxweyne Deni oo Eedeeyn Kulul U Jeediyay Wasiirka Sii haayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya

Madaxweynaha Siciid Cabdullahi Maxamed Deni ayaa si adag uga hadlay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada, kaas oo badan kood ay ku dhaceen ardayda magaalada Muqdisho.

Siciid Deni ayaa marka hore shaaciyey in si fudud aan loo aqbali karin natiijadaas oo walaac laga muujiyey, kadib markii ay ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada.

Sidoo kale wuxuu eeda ugu weyn ee walaaca ka dhashay natiijada dusha u saaray wasiir Goodax Barre, isaga oo sheegay in uusan ka war-heyn natiijada soo baxday oo uu hoosta ka xariiqay inay tahay mid aan sax aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan hubaa in Wasiirka uusan ka warqabin natiijada kasoo baxday Imtixaanka Dowladda, natiijada waxa ay ila tahay in aysan ahayn mid sax ah, waxa ay ahayd in Ardayda loo qiimeeyo si lamid ah Ardayda wadamada Caalamka, iyada oo laga duulayo Covid-19”. ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Deni.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan u diyaarsaneyn xilligan in dalka oo dhan ay ka qaado imtixaanka, maadaama meelaha qaar ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Deni sidoo kale is-dul istaagay Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay tahay xudunta xagga tacliinta ee guud ahaan dalka.

“Dhismaha Dowladda uma diyaarsana in dalka guud ahaan ay ka qaado Imtixaanka, Natiijada Ardayda dhacday waa wax laga naxo, xaqiiqada marka loo gudbo soomaalidu waa ay iska warqabtaa, Muqdisho waa Magaalada Xagga Tacliinta ugu badan, waxaana ka garan kartaa sida ay ugu badan yihiin Tartanka deeqa waxbarashada” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si weyn looga falceliyey nitiijadii ay maalin ka hor shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah Soomaaliya, taas oo shaki weytn laga muujiyey, kadib markii ardayda ugu badan ay ku dhacday imtixaanka ay noqdeen kuwa ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com