Madaxweyne Farmaajo , Madaxda Dawlad goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir, ayaa xalay mar kale shir ku yeeshay Xarunta MadaxtooyadaSoomaaliya ee  Muqdisho.

Shirkaas oo u dhexeeyay Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa looga hadlay dhismaha Guddiga Doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo sidoo kale magacaabidda Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Jaangoynta Wakhtiga Doorashada.

Shirkaas ayaa ku soo aadaya  kadib markii labada Gole  ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay Ansixiyeen Heshiiskii lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada Dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ,Dowlad Goboleedyada Dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com