Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wadda Gaalkacyo

 

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay kulamo looga hadlaayo xaaladda Ammaan ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay xumaatay.
Qoorqoor ayaa la kulmi doona maanta odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Waxaa lagu waddaa sidoo kale in uu booqasho uu ku taggo degaanka Wisil oo dhawaan ay dad badane ku dhinteen ka dib markii Al-Shabaab ay ku qaaday weerar culus balse ciidanka iyo dadka degaanka aan lagu guuleysan in degaanka looga qabsado.
Boqolaal ka mid ah ciidanka Galmudug ayaa deegaankaasi gaaray hadda, waxaana ay sheegeen in guud ahaan gobolka Mudug laga saari doono Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com