Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Wafdiga ayaa waxaa kale oo kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arimaha Doorashooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com