Madaxweynaha Kenya oo ku baaqay in laga duceysto Caabuqa Corona

Nairobi : Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay muwaadiniinta dalkiisa inay firaaqo yeeshaan maalinta Sabtida, ayna ku duceystaan inuu ka dhammaado Caabuqa Corona ee saf-marka ah.

Waddankan ku yaalla bariga Qaaradda Afrika ayaa Maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay kiiskii afaraad ee Caabuqa ah oo laga helay.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay warbaahinta ugu sheegay in dad ka badan 100 qof laga baaray xanuunkan, tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay la xaqiijiyay maalintii Jimcada.

Wuxuu sheegay in 71 qof laga waayay Fayraska, halka 36 kalena il gaar ah lagu hayo.

Farriin ka timid madaxweyne Kenyatta oo ay madaxtooyada Kenya soo dhigtay bogga Twiter-ka ayaa lagu sheegay in waddanka uu wax walba u sameynayo sidii uu uga hortagi lahaa fiditaanka cudurka, laakiin shacabkana dhankooda looga baahan yahay inay duceystaan.

Wuxuu Kenyatta yiri “Waxaan mar walba qirsan nahay inaannaan waxba sameyn Alle la’aantiis. Waxaan ogaannay marar badan in Alle xagiisa oo loo noqdo aysan na xasilineynin kaliya balse ay sidoo kale noo horseedeyo rajo iyo awood ku aaddan inaan ka adkaanno caqabadahan laga yaabo inay naga tan badan yihiin bani’aadan ahaan”.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com