Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Waxaa sidoo kale Muqdisho kusoo wajahan Madaxda kale ee maamulada goboleedyadda

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com