Madaxweynaha Puntland oo dalacsiiyay Ciidankii u gurmaday shacabka Qardho (SAWIRRO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweyne Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku kusoo fatahmeen.

Magaalada Qardho oo habeen hore ay ku dhufteen daadad xoog leh, ayaa maanta waxaa gaaraya gurmadyo kala duwan oo shacabka Magaalooyinka Puntland iska soo uruuriyeen.