Madaxweyne Farmaajo oo beri hortagaya Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya

War ka soo baxay golaha shacabka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah kulan ku yeelan doonaan Villa Hargeysa.

Qoraalka ayaa lagu xusay in agendaha kulanka uu yahay warxbixin uu Madaxweyne Farmaajo u jeedinayo xubnaha golaha shacabka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsan doono muddo kororsi ay la ogyihiin guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaano ka Tirsan  golaha shacabka Baarlamanka  Soomaaliya  ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan  Madaxtooyada Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabida Ra’iisal wasaaraha cusub.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa tilmaamay in saddexdan mas’uul ay hadda gacanta ku hayaan qorshe deg deg ah oo dowladda Qatar maalgalinayso si galaangal loogu helo baarlamaanka si fadhiyada ugu horreeya ay ugu dhawaaqaan muddo kororsi labo sano ah, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiin oo ay ku jiraan beesha caalamka ayaa ka digay muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dawlada soomaaliya ee waqtiga uu ka sii dhammaanayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com