Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan looga hadlayay Doorashooyinka 2021 la qaatay Wasiiro ka Tirsan Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sugidda amniga la qaatay golaha Wasiirada Galmaudug

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa u bandhigay Wasiiradiisa qorshaha sugidda amniga, martigelinta Ergada kdooraneysa  Xildhibaannada, Musharixiinta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la xiriira Doorashada 20/21.

Wasiirada qabanaya howlaha ugu badan ee dhanka doorashada ayuu la hadlay, isaga oo ka dalbaday in ay dajiyaan qorshe lagu xasilinayo goobaha doorashada loo asteeyay oo ay kamid tahay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Galmudug.

Madaxtooyada Galmudug  aya sheegtay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirada ay u ballameen kulan kale oo lagu soo bandhigayo waxyaabaha la doonayo in la qabto ka hor doorashada

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com