Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa geeriyooday , sida uu shaaciyay madaxweynaha haatan xilka haya Uhuru Kenyatta.

Wuxuu ahaa 90 jir. Wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya, isaga oo xilka hayay snadihii 2002- 2012-kii.

Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynaha hore. Calanka dalkaasi ayaa hoos loo dhigay.