Maraakiib ku Xaniban Dekadda Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari , ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay Khaiijka, gaar ahaanna wadamada Cummaan iyo Imaraatka, ayaa waqtiyo badan ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo dekedda

Maamulka dekedda Boosaaso, ayaa Doonyaha iyo Maraakiibta ku wargeliyay in aysan xeebta soo dhaafin inta Marinka dekedda laga saarayo Ciid la sheegay in halkaaas ay buuxisay.

Shirkadda P&O, oo ay leedahay DP World, ayaa sheegtay in ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto, Dekadda Boosaaso inkastoo aysan waxba ka qaban sida  la sheegay mudadii ay joogtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com